DEG DEG+Dhageyso: Wasiir Cabdullaahi Sheekh Xasan Oo Beeniyay in Musharax Shariif Xasan uu Tanaasulay

0
182

Muqdisho (INO)-Iyadoo si weyn la iskula dhexmarayay in Madaxweynaha  Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan kadib kulan maalmo qaatay oo ka soconayay Magaalada Aaddis-ababa uu uga Tanaasulay Musharraxnimadiisa Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa arrintaas waxaa gaashaanka u daruuray Masuuliyiin  ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaasi ku aadan Tanaasulka Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ku nuux nuuxsaday in uu wax ka wado Ololaha Shariif Xasan Islamarkaana ay yihiin waxba kama jiraan wararka la hadal haayo ee in ay ka tanaasuleen ah tartanka doorashada Madaxtinimo ee dalka.

Waxaana uu ku tilmaamay in dano Siyaasadeed ay ku hoos qarsantahay hadal heynta arrintaan oo shaqsiyaad ay soo suuq geliyeen sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Jira Siyaasiyiin dooneysa inay qulubaan siyaasada Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden oo ah qof saameyn leh.

Ugu dambeyntii, Saacadihii la soo dhaafay ayaa si aad ah waxaa la iskula dhexmarayay in dowladda Ethiopia ay ku qancisay Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ka laabto damaciisa Musharraxnimada Madaxtinimo ee Soomaaliya islamarkaana uu joojiyo ololaha uu ugu jiro Cabdirashiid Maxamed Xidig uu ugu soo saaro Guddoonka Sare ee Baarlamaanka.