Burhakaba(INO)- Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay Dhame Maxamed Ibraahim oo la hadlay IdaleNews.com ayaa faah faahin ka bixiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu xiray saldhiga Degmada Buurhakaba.
Waxa uu sheegay Taliyaha Ciidamadan la xiray in ay yihiin kuwo dhac u geysan jiray Gawaarida ka takta Magaalada Muqdisho ee ku sii jeeda Degaanada Koonfur Galbeed.
Dhinaca kale Dhame Maxamed Ibraahim Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay ayaa beeniyay wararka warbaahinada qaar ay tabiyeen, kaas oo ku aadan in Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed ay isku rasaaseeyeen Degmada Buur-hakaba.
Ugu dambeyntii Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay Dhame Maxamed Ibraahim ayaa waxa uu sheegay Degmada Buur-hakaba iyo Degaanada hoostaga in ay ka socdaan Howlgalo ka dhan ah Shabaab.