Boosaso(INO)– Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa digniin adag u jeediyay shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu shacabka ugu baaqay guryahooda in aysan ka kirayn xubnaha ka tirsan Shabaab.
Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) ayaa ku hanjabay in ay burburin doonaan guri kasta oo ku yaala Magaalada Boosaaso, haddii laga soo qabto xubno ka tirsan Shabaab.
Sidoo kale Gudoomiyaha, ayaa si adag u sheegay inaanan la aqbali karin in guryahaasi laga soo abaabulo dhagaraha lagu daadinayo dhiigga dadka ku nool Xarunta Gobolka Bari, waxaana uu sheegay in ay heleen macluumaad badan oo ku aadan xubnaha Shabaab ka tirsan ee ku sugan Magaalada Boosaaso.
Maalmihii u dambeeyay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan, kuwaas oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.