DEG DEG: Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed & Hiirshabeel oo safar deg deg ah ku aaday Itoobiya & Sababta

0
205

Muqdisho(INO)- Madaxda Maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa maanta looga yeeray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kuwaasoo gelinkii dambe ee maanta hal diyaarad ka wada qaaday magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoonaan karo oo heshey IdaleNews.com ayaa sheegaya in safarka Shariif Xasan, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Cali C/llaahi Cosoble uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in Itoobiya ay dooneyso saddexda Musharax ay kala hadleyso sidii ay u taageeri lahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu ku jiray Madaxda loo yeeray, balse uu cudur daar sameeyay.

Dowladda Itoobiya ayaa dooneysa in Madaxda kala hadasho sidii ay u taageeri lahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh sidii dib loo soo dooran lahaa.

Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed ayaa muddooyinkan isku mowqif ka ahaa arrimaha doorashooyinka, iyagoo taageeraya in C/rashiid Xidig ku soo baxo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo C/kariin Guuleed aanay sidii hore isku aheyn oo ay dhowr arrin oo doorashada ah ku kala aragti duwan yihiin, inkastoo aanay wali kala fogaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cali C/llaahi Cosoble ayaa iyana ay kala shaki soo kala dhex gashay, kaddib marki xubno qaar oo mucaarad ku ah ay ku soo doorashooyinkii Aqalka Hoose ee lagu soo gaba gabeeyay Jowhar.

Itoobiya ayaa dhowaan u deyrisay Cumar C/rashiid taageero uu ka doonayay, iyadoo sidoo kale u cadeysay Imaaraadka Carabta mowqifkeeda ku aadan Musharaxa ay taageereyso oo ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labadii bil ee u dambeeyay tagay Addis Ababa saddex jeer ka badan, waxaana loo arkaa loo arkaa inay tahay dal si aad ah u taageeraya Xasan.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo noqday mid lagu caajisay ayaa Madaxda ay ahaayeen kuwo ka kala maqnaa, iyadoo horay uga baaqsaday Axmed Madoobe, iyadoo markii dambe uu ku biiray Cumar C/rashiid, sidoo kale Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed ayaa iyana ku caajisay shirka, markii ay arkeen in ajanadayaal aanay iyaga quseyn shirka looga hadlayay.

Madaxda Madasha ayaa wali ka soo bixin jadwal rasmi ah, waxaana waxbaaha shirka la isku haayo uu ka mid yahay arrinta Aqalka Sare ee Somaliland oo si gaar ah ay markan isugu hayaan Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa C/wali Gaas iyo C/xakiin Camey oo labadaba ku sugan Muqdisho.