Sawirada Musharax Shariif Xasan oo lagu arkay Waddooyinka Muqdisho

0
282

Muqdisho(INO)— Sawiradda Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa lagu arkay waddooyinka Muqdisho, isagoo ku biiray boorarka sawirada Musharaxiinta ee la suray inta badan waddooyinka Muqdisho.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa raba inuu ka dhabeeyo qorshihiisa uu ku doonayo inuu ku noqdo Musharax Madaxweyne oo rasmi ah, maadaama dadka qaar ay u arkaan riyo ay adag tahay inay u rumowdo.

Dad badan ayaa aaminsan in Musharaxnimada Shariif Xasan ee xilka Madaxweynaha ay tahay riyo maalmeed, maadaama rajadiisa ay ku xiran tahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, inta aan la gaarin aanay u fududeyn inuu is sharaxo.

Shariifka ayaa doonaya inuu ciyaaro siyaasad labo afle ah, isagoo kol hore ka soo dhaadhiciyay Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Koofur Galbeed in ay isku duubnaadaan, isla markaana xilligan la joogo xilligii ay raadin laheyd wax ka weyn Guddoomiye Baarlamaan, sida Ra’iisul Wasaare ama Madaxweyne.

Qorshaha siyaasadeed uu degay Shariifka ayaa ah sidii nin u dhashay Beesha Daarood u noqon lahaa Guddoomiye Baarlamaan, iyadoo la og yahay in hadii nin ka soo jeeda Digil iyo Mirifle uu noqdo Guddoomiye Baarlamaan ay sidaas rajadiisa daaqada uga baxeyso.

Shariifka oo ah nin galaan gal badan ayaa doonaya in markii u horeysay uu qaldo shax siyaasadeedka ku dhisan nidaamka 4.5 oo ah qaabka xilligan ugu fadhiyaan xilalka ugu sareeya dalka, iyadoo tan iyo sanadkii 1960 Guddoomiye Baarlamaan ay heli jireen Beelaha Digil iyo Mirifle.

Imtixaanka koowaad ee Shariif Xasan heysta ayaa ah sidii uu uga gudbi lahaa xeyndaabka ugu horeeya ee ku hor-gudban damaciisa waalida, gaar ahaan sidii nin aan aheyn Beeshiisa aanu u noqon laheyn Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Hase ahaatee waxaa soo baxaya in Shariifka uu durbaba lumiyay taageerada xubno ka tirsan Baarlamaanka labada Aqal ee ka soo jeeda Koofur Galbeed oo lagu arkay Musharaxiinta kale ee u tartamaya xilka Madaxweynaha.

Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo afar sano ka hor kala dhantaalay rajadii Shariif Xasan ayaa hadana doonaya inuu daaqada ka bixiyo qorshaha uu ku doonayo inuu jaran-jarada koowaad ku soo galo tartanka Doorashada Madaxweynaha.

Is reeb reebka xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaana noqon doona midka go’aamin doona cida noqoneysa Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo Beelaha Hawiye iyo Daarood ay dadaal ugu jiraan sidii nin aan aheyn beelahooda ugu soo bixi lahaa xilka Guddoomiye Baarlamaan.

shariif-boor