Dhageyso: Aaden Saransoor Oo Sheegay in Shariif Xasan Waqti Xileedkiisa KGS Uu Ka Dhamaaday

0
215

Muqdisho ( INO)-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo ka tirsanaa Baarlamaankii Federaalka ee waqtigoodu dhamaaday ayaa  ka dhawaajiyay in Madaxweynaha  Koonfur Galbeed waqtigii xilkiisa uu ka dhamaaday.

Aadan Maxamed Maxamed Nuur Saransoor ayaa Carabka ku adkeeyay in Shariif Xasan Sheekh Aaden ay doorteen Ergo waqtigii loo igmadana uu ku sinnaa muddo 2 sano ah.

Dhinaca kale Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa shaaca ka qaaday in Kuraasta Xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Baydhabo ee Xarunta  Koofur Galbeed aan la waafajin hanaanka Cadaalada Doorashada.

Ugu dameyntii, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegaa in Maamulkiisa sida uu doono isaga tagri falo iyadoo aanu jirin cid Xisaabisa.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo