DEG DEG: Dib u dhac mar kale ku yimid doorashadii Guddoonka Baarlamaanka

0
181

Muqdisho(INO)— Dib u dhac ayaa markii afaraad ku yimid doorashadii Guddoonka Baarlamaanka ee horay loo qorsheeyay inay dhacdo 22-ka bisha December oo maanta ku beegneyd, iyadoo wali uu isa sii gurayo jadwalkii aan fadhin ee horaantii bishan ka soo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran.

Dib u dhaca ayaa ka soo bilowday 15-kii bishan, markii lagu balansanaa munaasabadii dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ay u baaqatay arrimo kala duwan.

Inta badan Xildhibaanada labada aqal ayaa ku sugan Muqdisho, kuwaasoo qaarkood qaatay kaararkooda aqoonsiga iyo shahaadada, sidoo kale kuwa kale ayaa qaadan, kuwaasoo kuraastooda ay muran ka taagan yihiin, isla markaana la laalay natiijada doorashadooda.

Jadwalka doorashada Madaxweynaha oo ku beegan 28-ka bishan ayaa isagana laga yaabaa inay dib u dhacdo, maadaama maalmo naga xigaan, waxaana Muqdisho ka socda shir ay leeyihiin Madasha oo ay uga hadlayaan sidii waqti rasmi ah oo ku aadan doorashada ugu dhawaaqi lahaayeen.

Doorashada Soomaaliya ee qorshaheeda ahaa sanadkan 2016 ayaa laga yaabaa inay isu bedesho doorashada 2017, maadaama maalmo kooban ay ka harsan yihiin sanadka cusub, waxaana la filayaa in doorashada la qabto horaanta bisha Janaayo ee sanadka 2017.