Dhageyso: Koonfur Galbeed Oo Indhaha Ka Laabtey Abaarta Daran Ee Jirta KGS.

0
184

Xudur(INO)- Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaan Wali Wax Jawaab Ah Ka bixinin Qeylo Dhaanta Kala Harka laheeyn Ee Kasoo Yeereysa Dadka Ku Nool Weybo Kamid ah Degaanada Abaarta Kajirta Ee Maamulka Koonfur Galbeed Katirsan.

Dadka Ka soo Jeeda Degaanada Iyo Degmooyinka Gobolka Bakool Ayaa Laga Yabaa In Ay Ka Soo Hiyaamaya Meelaha Abaarta Daran Xiligaani Kajirta.

Abaartaan Gobolada Dalka Soomaaliya Ka jirta Xiligaani ayaa Waxaa ay Keentey roobabkii La waayey’ Sameyntooda Laga Dareemey Ceelalka laga dhaansado Biyaha, Warooyinkana Ay Ku lamaanan yihiin,Beerihii Oo Aan La abuurin kuwii La Abuureyna Oo Aan Dhuulkii Ka Soo Bixin Biyo La’aan Dartii Oo Dhuulkii la Qalaley.

Mas’uulin Ka tirsan Degmooyinka Gobolka Bakool Ayaa Waxaa Ay Shegeey In dad Badan Ay Barakaceen Kuwa Kalena Ay Ku Dhow Yihiin Barkacaasi In Ay Sameyeen Hadii Ay Wax Kawayaan Keydkii Rashiinka Oo Mudo Ku Dheerinaayey In Ay ku Sii Noladaan Degaankooda.

Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Ayaa Kamidka ah Degmada Shacabkeeda Abaarta Iyo Godoonka Neebsiga Laheen Ay Saartey ururka Al Shabaab.

Cabdulaahi Yareesow Oo Ah Ma’suulka Degmada Waajid Ayaa Waxaa Uu IdaleNews.com U Xaqiijirey In Xaalad Adag Oo Xoolo Badan Ay Ugu Naf Wayeen Kuwo Kalena Socodka Ay yareyeen Shacabkana ay Ku Dhow Yihiin Kuwo Nolol Karaadiya Degaanada Kale Ee Ku Soo Dhow.

Degmada Xudur Ee Xarunta Goblka Bakool Ayaa Ka Mid Ah Degmada Nolosha Ay Ka soo Raadiyeen Shacabkii Kasoo Barakacey Meelaha Kale Ee Ka tirsan Bakool Iyadoo Degamadaasi Xaaladeeda ay Adkeyd Oo Hadana Gaarey Shacabkii Kale Ee kasoo Ordey Dagaalkii Kadhacey Degmada Tiyeeglow Sida Uu Sheegey Maxamed Macalin Axmed Gudoomiyahay Degmada Xudur.