Aqriso: Liiska 9-ka xubnood ee beesha caalamka ay u aqoonsatay in musuq lagu doortay

0
200

Muqdisho INO) – Wakiilada Beesha Caalamka ee ka howlgala Somalia ee fadhigoodu uu yahay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa ka dhiidhiyay Musuq-maasuqa kusii baahaya Doorashooyinka Somalia.

Kulan ay xubnaha Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ku qaaten Xarunta Xalane ayaa waxaa Guddiga doorashooyinka loogu baaqay inay soo dhameystiraan xubnaha lagu doortay Musuqa ee aan wali lagu soo darin Liiska xubnaha la laalay.

Wakiilada ayaa si gaara farta ugu fiiqay xubnaha ka howlgala Villa Somalia ee qaabka Musuqa uga mid noqday Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.

Xubnaha qaabka Musuqa loo doortay oo ay dhaliilsan tahay Beesha Caalamka ayaa waxaa kamid ah:

1 – Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.

2 – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad).

3 – Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim.

4 – Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha

5 – C/qaadir Gaafow Max’uud Gaafow.

6 – Faarax Sheekh Cabdulkhaadir, Xildhibaan hore.

7 – Maxamed Xasan Ibraahim Qoono.

8 – Khadiijo Maxamed Diiriye.

9 – C/risaaq Cumar, Wasiirka Amniga.

Wakiilada ayaa dalbaday in Liiska Xubnaha la musuqay lagu soo daro 9-ka xubnood ee aan kor kusoo xusnay. Sidoo kale, Wakiilada ayaa ka hor imaaday Xubno lagu soo daray 11-ka la laalay kuwaasi oo ay sheegen in loo doortay qaab cadaalad ah, balse lagu badsaday Liiska.

Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Khilaafaadka ayaa qaab musuq-maasuq ah u dhigay Doorashooyinka ka dhacay Caasimadaha Gobolada dalka.