Dowlada Somalia oo sheegtay in Sucuudiga u hakiyay dhoofka Xoolaha sababo aan waxba ka jirin

0
187

Muqdisho(INO) -Wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda Soomaaliya ayaa sheegta in ay wado dadaallo ay dooneeyso in Sucuudiga ay ku qanciso sidii uu dib ugu fasixi lahaayeen dhoofka Xoolaha Soomaaliya ee la geeyn jiray dalkaasi.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dowladda Sucuudiga ay si KMG ah u hakisay xoolihii uga iman jiray Soomaaliya.

“Warqad ay noo soo direen waxay ku sheegeen in xoolaha Soomaaliya ka iman jiray ay u hakiyeen sababo dhanka caafimaadka ah, waxay sheegeen in xoolaha ka yimaada Soomaaliya laga helay xanuunno ay kamid tahay cudurka RiftValley,” ayuu Wasiirku yiri.

Wasiir Ciid ayaa intaa ku daray in xoolaha ay mareen baaritaanno caafimaad oo caalami ah, isagoo sheegay in aysan suurogal ahayn hadalka kasoo yeeray Sucuudiga ee ee ku saabsan in xoolaha Soomaaliya ka yimaada laga helay cudurro halis ah.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaan wadnaa dadaallo, cudurrada ay sheegayaanna Soomaaliya kama jiraan, waxaan rabnaa in Sucuudiga aan u xaqiijinno in tuhunkaasi yahay mid aan waxba ka jirin.”

Dowladda Sucuudiga ayaa dhawaan shaacisay in ay hakisay xoolihii uga iman jiray Soomaaliya, arintaa oo dad badan welwel ku abuurtay, maadaama ganacsiga xoolaha loo iibgeeyo Sucuudiga uu mudooyinkii u danbeeyay si dardar leh uga socday qeybo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya.