Muqdisho(INO)- Diwaan gelinta Xildhibaanada cusub ee ku soo guuleystay doorashadii Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee ka dhacday Caasimadaha maamul goboleedyada ayaa ka socota Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikaxiin Xaaji Buux ayaa sheegay in diwaan gelinta Xildhibaanada cusub ay bilaabatay Shalay Shan Saac.
Waxaa uu xusay in xildhibaanada wali ku sugan meelihii lagu doortay looga baahan yahay in ay Muqdisho yimaadaan si ay isku diwaan geliyaan.
Guddiga Doorashooyinka dalka ayaa horay u sheegay in Xildhibaanada cusub looga baahan yahay in ay tagaan Villa Hargeysa si ay isku diwaan geliyaan.
Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ayaa kulankooda 10-aad ee ugu horeeya yeelan doona 15-ka Bishan December oo ku beegan Maalinta Berri ah.