Dhageyso:Faroole “Kulanka aniga, RW Iyo Madaxweynaha Puntland sababta loo qariyay ayaa meesha ku jirta”

0
190

Garowe(INO)- Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa wuxuu ka hadlay kulankii maalin ka hor Magaalada Garowe ku dhexmaray Faroole, Gaas, Ra’iisul Wasaare Sharmaake iyo Xildhibaan C/ risaaq Jurile.

Faroole, wuxuu sheegay kulankaasi inuu ahaa mid qarsoodi ah oo ay meesha ku jirto sababtii ka dambeysay in Saxaafadda loo diido inay macluumaad ka hesho kulankaasi ama goobjoog ay ahaato.

Wuxuu sheegay arimaha ay uga hadleen inay aheyd arimaha ku aadan Doorashooyinka, maadaama hada ay soo dhamaadeen Doorashooyinka Xubnaha Aqalka hoose ee ka socda Xarumaha Dowlad Goboledyada dalka ka jira, isaga oo intaasi ku daray inuu ahaa kulanka mid muhiim ah.

“Wixii dhacay hadee wixii la idin kaga qariyay ayeey qabtaa wax u furan Saxaafadda ma aheyn Madaxweynaha Puntland, Ra’iisul Wasaaraha oo halkaan Safar ku joogo iyo anagoo ah labo Xildhibaan oo aqalka Sare ah wadatashi bacdamaa ay soo gaba gaboowday Doorashadii Xildhibaanadii Aqalka hoose, lana tagi doono dhawaan, inkastoo waqtiga cariiri uu yahay, wixii nagaga aadan in aan ka tashano.” Ayuu yiri Faroole.

Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa beeniyay warar la isla dhexmaraayay oo sheegaayay inuu ka tanaasulay Xilka Madaxtinimada Somaliya, waxaana uu sheegay in arintaasi aysan waxba ka jirin.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa wuxuu musharaxiinta qaar ee doonaya Xilka madaxtinimada Somaliya inay si qaldan dadka u dhaleeceeyaan, taasina aanan loo baahneyn oo hada ololaha la galaayo ay haboon tahay in si wanaagsan loo galo.

Wararka madaxa ee ka soo baxay kulankii dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole Iyo Xildhibaan C/risaaq Jurule ayaa sheegaya in madaxdaan ay isla garteen in hal Musharax ay caawiyaan si musharaxaasi uu ugu soo baxo Xilka Madaxtinimada Somaliya.