Dhageyso:Maamulka Hirshabeelle oo Baaq u diray Bulshada Soomaaliyeed

0
184

Jowhar(INO)- Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in baaro xoogan ay ku dhufteen degaanada maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre oo la hadlay Warbaahinta ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Abaaraha ka jira degaanada maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka kunool degaanada maamulka Hirshabeelle ay heytaan abaaro ba’an oo sameyn weyn ku yeeshay dadka iyo Duunyada.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dadka ay haystaan cuduro kala duwan oo ay keentay abaarta , islamarkaana goobo Caafimaad oo ku filan Bulshada aan laga helin degaanada qaar.

Dowladda Soomaaliya ,bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay soo gargaaraan  dadka ku dhibaateysan gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.