Dhageyso:Rajo xumo laga muujiyay Ammaanka Gaalkacyo

0
187

Galkacyo(INO)- Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ee maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa Rajo xumo ka muujiyay ammaanka Magaalada Gaalkacyo.

Xirsi Yuusuf Barre oo ka mid ah guddiyada Nabadda Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale sheegay in wali qeybo ka mid ah Magaalada laga maqlaayo xabado Goos goos ah.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inta badan ay xiran yihiin Suuqyada Magaalada Gaalkacyo.

Shacabka Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay cabasho xoogan ka muujinayay xirnaanshaha Wadooyinka iyo sidoo kale Suuqyada Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyeyaasha gobolka Mudug ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa ay wadaan dadaalo kala duwan oo looga hortagaayo in markale uu dagaal ka dhaco Magaalada Gaalkacyo.