Xudur(INO)-Waxa maanta Si balaaran looga Xusay Magaalad Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool Xuska Dhalashada Nabigeenii Suubanaa (NNKH),.
Munaasibad si heer sare ah oo loo soo Agaasimay oo lagu qabtay Magaalada ayaa waxa ka soo qayb galay Dadweyne Aaad u tiro Badan, Culimo Aw-diin.
Munaasibadan lagu waynaynayey Dhalashada Nabiga(NNKH) ayaa intii ay socotay Waxa Khudbada dhaadheer ka keediyey Culimo Aw-diin Aad u tiro Badan iyo Waxgarad kale, waxaana sanadkan Oo Beegan 1438-kii Hijri-ga Halku dhig looga dhigay “BARASHADA AKHLAAQDII RASUULKA”.