NY(INO)- Ninka noqonaya Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maalintii shalay sheegay in aanu u baahneyn in uu ka qayb-qaato warbixinada sirdoonku siiiyaan Madaxweynaha ee maalinlaha ah. Sababta ayuu ku sheegay in uu yahay qof caqli badan oo aan waxaas oo kale u baahneyn.
– Waxaan ahayn nin caqli badan. Ma doonayo in aan maqlo hadal isku mid ah maalinkasta oo muddo sideed sano i daba joogta ayuu yiri Trump
Trump oo wax laga weydiiyey warbixinta CIA ay soo saartey oo joonraalka Washington Post arkey ayaa sheegay in kuwaas aan waxba la weydiineyn
-Dadkii sheegay in Saddaam Xusseyn haysto hubka wax gumaada ayaa warkaan sheegay, ma oga meel looga soo dhacay, cid kasta ayey noqon kartaa ayuu yiri Trump.
Xildhibaano kamid ah Aqalka Shuyuukhda ee Maraykanka ayaa xujeeyey in baaritaan madaxbanaan loo saaro in Dowladda Ruushku isku daydey in ay gacan ka geysato guusha Trump.
Donald Trump oo lagu wado in bisha Janaayo 20 keeda loo dhaariyo xilka Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo Diblomaasiyadda Maraykanka ee ku aadan Shiinaha ee ah One China, taas oo meesha ka saareysa Jasiiradda Taiwan, arrintan ayaa la aaminsan yahay in ay si weyn uga caraysiineyso dalka Shiinaha