4,000 Dagaalyahno Ah Oo Ka Tirsan Ciidamada Khilaafada Islamka Oo Gudaha U Galey Magaalada Palmyra.

0
188

Palmyra.(INO) Ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee loo yaqaan daacish ayaa mar kale qabsadey magaalada Taariikhiga ah ee Palmyra.

Maalitnii Sabtida ayaa Ruushku sheegeen in diyaaradahooda dagaalku ay dib uga cayriyeen ISIS Palmyra. War ka soo abxay Ruushka maalintii shalay ee Axadda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka badan 4000 oo ISIS taabacsan ay dib isu abaabuleen oo la wareegeen gacan ku haynta magaaladaas taariikhiga ah.

Magaalada Palmyra oo 200km dhanka waqooyi bari uga beegan caasimada Dimishiq ayaa lagu tilmaamaa magaalooyinka ugu taariikhda dheer Bariga Dhexe waxaana ku yaal daaro qadiima ah iyo goobo badan oo taariikhi ah.

Waa markii labaad ee Daacish ay qabsato Palmyra, bishii Maarso 2016 ayaa ciidamada Bashar al-Assad iyo diyaaradaha dagaaljka ee Ruushku ku khasbeen Daacish in ay isaga baxaan magaaladaas.

ISIS ayaa la sheegay inay ka ganacsato qalabka qadiimka ah ee yaala magaalooyinka madxafka laga dhigay oo ay horey ugu faani jireen dalalka taariikhda dheer ee Ciraaq iyo Siiriya.