Dhageyso:Xeer ilaaliyaha Qaranka Oo Ka Hadlay Caqabadaha Hortagaan Garsoorka Dalka

0
203

Muqdisho(INO)- Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in garsoorka Soomaaliya ay u shaqeeyaan si cadaalad in ay caqabad ku yihiin baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in garsoorka Soomaaliya ay yihiin kuwa gacmaha ka xiran. Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya wali aysan meel marin golaha adeega garsoorka dalka.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin isla xisaabtan dhab ah ,madaam uusan xaq u laheyn in uu ganaaxo xeerilaaliyaasha iyo sidoo kale garsoorayaasha dalka.

Hadalka kasoo baxay xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa kusoo beegmaya xilli marar badan garsoorka Soomaaliya lagu eedeeyay in ay sameeyeen wax isdaba marin .

Halkan Ka Dhageyso