Baydhabo(INO)- Iyadoo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya ,kuwa Koonfur Galbeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab uu ka dhacay degaanka Goofgaduud ayaa arintaasi waxaa ka hadlay taliska ciidanka xoogga dalka ee Qeybta 60 aad ee Bay, Bakool iyo Gedo.
Taliyaha Qeybta Lixdanaad General Ibraahim Yarow ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gaarsiiyeen Jab xoogan , islamarkaana ay gacanta ku hayaan degaanka Goof Gaduud ciidanka dowladda Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in dagaalka ay uga dhinteen Askar. Waxaa uu sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab ka dibna ay iska difaaceen ciidanka dowladda Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ay ku dileen xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaasi ay ka gaareen guul ,islamarkaana ay ku dileen askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dagaalyahanada Al Shabaab, ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Goofgaduud, tan iyo markii ay isaga baxeen Ciidanka dowladda Itoobiya.