Dhageyso: Wararkii Ugu dambeeyey Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Buur-hakaba

0
186

Buurhakaba(INO)- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay.

Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aasao ayaa waxa uu ka dhacay meel suuq ah oo ay ku ganacsadaan dad shacab ah, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 4 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Degmada Buur-hakaba.

Taliyaha saldhiga Ciidanka Booliska Degmada buur-hakaba ee Gobolka Baay Maxamed Ibraahim Cabdulle ayaa waxa uu sheegay in ay ku raad joogaan raggii ka dambeeyay Qaraxan.

Sidoo kale Maxamed Ibraahim Cabdulle Taliyaha saldhiga Ciidanka Booliska Degmada buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa waxa uu sheegay Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda Federaalka in ay wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab.

Halkan Ka Dhageyso