DEG DEG:Barakac Saaka ka Bilowday Deegaanka Bariire Ee G/Sh/Hoose

0
181

Bariire(INO)- Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Bariire ee duleedka Degmada Afgooye, ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka bilowday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka.

Dadka Deegaanka oo ka cabsi qaba inuu halkaasi dagaal ka dhaco, ayaa waxa ay saaka bilaabeen inay xir xirtaan alaabahooda, kadib markii ay maqleen in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ay weerar ku yihiin deegaanka Bariire.

Qof ka mid ah dadka deegaanka Bariire ayaa Warbaahinta gudaha wuxuu u sheegay in saaka dadka qaar ay dhaqaaqeen dhanka deeganada Mubaarak iyo Awdheegle, halka qaar kalena ay aadeen dhanka Degmada Afgooye.

Sababta dadka ay u barakacayaan ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo la sheegay inay weerar ku yihiin deegaanka Bariire, waxaana dadka ay doonayaan inay ka nabadgalaan dagaal hadii halkaasi uu ka dhaco.

Deegaanka Bariire, waxaa gacanta ku haaya Ururka Al Shabaab beer ku taala deegaankaasi doraad ka soo qabteen diyaarad nooceeda uu yahay Drone oo ku soo dhacday deegaankaasi.

Shalay Subax meel u dhaxeysa NO.50 iyo deegaanka Bariire waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaab, Saraakiisha waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay qaadeen ciidanka Millateriga.

Dagaalada ka dhaca Gobolada dalka, ayaa inta badan waxa ay dhibaatada ka soo gaartaa dadka shacabka ah ee dushooda lagu dul dagaalamo.

Idale News Online,Bariire