Afgooye(INO)- Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa Maanta ku dagaalamay degaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan , waxaana la sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen goob ay joogeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Gudoomiyaha degaanka Lambar 50 Cabdulaahi Waafow oo la hadlay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen degaanka Bariire oo ay joogaan dagaalyahahno ka tirsan Al-Shabaab , islamarkaana halkaasi uu dagaal ku dhexmaray.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ay guul ka gaareen dagaalkaasi.
Al-Shabaab ayaa saaka sheegtay in ay dagaal xoogan ay ku qaadeen degaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.