Dhageyso:Faroole oo ka horyimid hadal ka soo yeeray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka

0
182

Garowe(INO)- Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole oo iminkana ah xildhibaan katirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadal kasoo yeeray gudoomiyaha guddiga doorashada dalka Cumar maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey), kaas oo xildhibaanada labada aqal faray inay yimaadeen magaalada Muqdisho si kaararka aqoonsiga loo siiyo.

“Ninka hadda madaxda looga dhigay guddiga doorashada, qaraabo dhowna ay yihiin Xasan Sheikh ayaa waxa uu ku dhawaaqayay Xamar ha yimaadaan xildhibaanadu oo ha qaataan kaararka aqoonsiga, arrintaas waxaan u aragnaa inay tahay sheeko carruureed’, ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole.
Faroole ayaa sheegay inay guddiga doorashadu waajib dastuuriya ku tahay inay xildhibaanada goboladooda ugu keenaan waraaqahooda aqoonsiga iyagoo usoo marsiinaya guddiyada doorashada ee heerka maamul goboleed, wuxuuna yiri, wadanku dastuur ayuu leeyahay, wax walbana isaga ayaa qeexaya, mana ahan inaan isaga yaacno gobolka Banaadir, laakiin waa inaan meesha aan joogno ku helnaa aqoonsigeeda.