Qansaxdheere(INO)- Maamulka degmada Qansax dheere ee gobolka Bay ayaa sheegay in ay bilaabayaan howgallo Al-Shabaab looga saaraayo degaanada Hoos yimaada degmada Qansaxdheere.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Qansax dheere Cabdule Ibraahim Saneey ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Koonfur Galbeed ay Al-Shabaab ka saari doonaan degaanada ku dhow degmada Qansax dheere ee ay gacanta ku hayaan.
Waxaa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in maamulka degmada iyo ciidanka Koonfur Galbeed ay u diyaar garoobeen in ay Al-Shabaab ka sifeeyeen degaanada hoos yimaada Qansaxdheere.
Ug dambeyntii, Al-Shabaab ayaa go’doomiyay magaalada Qansax dheere iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada sida uu dhawaan sheegay gudoomiyaha degmada Qansax dheere.