Muqdisho((INO)—Gudiga doorashooyinka dadban ee sanadkaan ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ay dhaceyso ka hor sanadka cusub ee 2017 oo maalmo ka harsan tahay.
Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban AVV Cumar Maxamed Cabdulle, ayaa sheegay in la diyaariyay xildhibaanadii ugu badnaa iyo qorshihii loogu talo galay iney ku qabsoonto doorashada hogaanka dalka.
Cumar Dhageey, wuxuu kaloo sheegay in doorashada sanadkaan ay dhici doonto ka hor sanadka cusub ee 2017, isagoo tilmaamay in wax walbaa oo doorashada la xiriira hadda ay diyaarsan yihiin.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaano badan lagu soo doortay gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya, walow ay harsan yihiin wakiilada Somaliland ee baarlamaanka.
“Nooma qorsheysna in doorashada sanadkaan ka dib dhacdaa 2016, mana gaari doonto 2017”ayuu yiri Cumar Dhageey.
Doorashada madaxweynaha ayaa marar badan dib u dhac uu ku yimid, waxaana gudoomiya gudiga doorashada uu sheegay hadalkaan oo kale kadib kulan wada qaateen wakiilada beesha caalamka iyo gudiga doorashooyinka kaasi oo ka dhacay Xalane.