Dhageyso:Xamdi Hilowle Macalin “Codkeyga Qof Kale Ayaa Loogu Shubay “

0
198

Baydhabo(INO)– Xamdi Hilowle Macalin  oo ka mid aheeyd Musharaxiinta u tartmayay Xildhibaanimada Aqalka hoose ee Doorashada ka socotay Magaalada Baaydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa xustay in la Musuq-Maasuqay Kursigii aay u tartameeysay.

Xamdi Hilowle Macalin ayaa Sheegtay In Codad iyadu ay laheeyd lagu wareejiyay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla Waa sida hadalka u dhigey ee  oo ay wada Tartmayeen iyadoona Xustay in arinkaasi uu ka danbeeyay Madaxweynaha Dowlada Koonfur  Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale Xamdi ayaa carabka ku dhufatay in Wakiilkeeda lahandaday loona diiday in warqadaha uu arka xiliga tirinta Codadka aay socotay.

Ugu Danbeyn Xamdi Hilowle Macalin  ayaa sheegtay in Markii lasoo qabto warqad aay ku qoran tahay Xamdi Hilowle loo aqrinaya Sareeda Maxamed Cabdalla.

Hoos Ka Dhageeyso Wareysiga Xamdi Hilowlwe Macalin Oo  Xiisa Leh

Idale News Online, Baydhabo