Dhageyo+Sawiro: Beesha Hadamo/Qamiisle Oo Diidey Doorashada Natiijadii Ka Soo Baxdey Gudiga Doorashada KGS

0
208

Baydhabo(INO)- Odayaasha  Dhaqanka Ee Beesha Hadamo /Qamiisle iyo qaar ka mid ah Ergada Beeshaasi ayaa Sheegeen in aysan  cadaalad ahayn isla markaana aysan ogaleyn natiijadii ka soo baxdey Doorashada Kursiga Beeshan.

Odayaasha Dhaqanka,waxgaradka iyo musharax C/qaadir Baashi oo looga adkaadey Doorashada ee Beesha Hadamo/ Qamiisle oo si wada jir ah shir jaraa’id Maanta Baydhabo ugu qabtay ayaa uga cabanaya Natiijadii ay ku dhawaaqeen Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya taasoo ay ku tartamayeen laboda musharax oo kala ah ;C/qaadir Maxamed Cali Iftiin (Baashi) iyo Xildhibaan Maxamud Maxamed Boonowa taas oo ay ku tilmaameen mid xaqiida iyo Cadaalada ka fog iyagoo ku sababeeyey in loo diiday musharax C/qaadir Baashi in looga wakiil noqdo tirinta codadka iyo weliba ayadoo Doorashada lagu aadiyey Habeen.

Ugu dambeyntii, waxay Baaq u direen  Gudiga Doorashada Heer federalka, Dowalada Dhexe iyo Beesha Caalamanka.

Halkan Dhageyso

Wariye Absir Maxamed Nuur Mandella Idale News, Baydhabo

01020304

SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES

 

 

SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES