Dhageyso:Caymiska Shirkada Takaful oo laga joojiyay Muqdisho

0
184

Muqdisho(INO)-Kadib markii shalay gaadiidleeyda ka howlgasha Magaalada Muqdisho, ay ku dhawaaqeen shalay inay shaqada joojiyeen iyaga oo ka cabanaayay Shirkada Takaful ee Caymiska, ayaa gabi ahaanba waxaa loo joojiyay howlaha cayminta gaadiidka ee shirkadaasi ay ka waday Muqdisho.

Sida gaadiidleyda ay sheegayeen Caymiska ayaa waxaa looga qaadaayay lacag dhan 62 Doolar oo qasab ah, waxaana fulinta howshaan loo adeegsanaayay ciidamo ka tirsan Dowladda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay in gabi ahaanba la hakiyay Howlaha la xiriira caymiska Shirkada Takaful ee Muqdisho ka howlgasha.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa Saxaafadda u sheegay wixii ay ka cabanayeen gaadiidleyda Muqdisho in meesha laga saaray.

“Waxaan rabaa inaan sheego wixii ay ka cabanayeen gaadiidleyda Muqdisho ee Caymiska waa la hakiyay waa la tixgeliyay cabashadooda iyo isu soo baxooda, arintaas ayaan rabaa inaan idiin sheego Maamulka Gobolka Banaadir wuu joojiyay.” Ayuu yiri Xalane.

Shaqo joojintii ay sameeyeen gaadiidleyda Gobolka Banaadir ee shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan Magaalada, iyadoo shalay wadooyinka lagu arkaayay dad badan oo lugeynaya.

Gaadiidleyda ayaa saaka waxa ay yihiin kuwa shaqeynaya oo dadka si caadi ah ay u raacayaan.