Muqdisho(INO)— Doorashada Aqalka Hoose ee Xildhibaanada laga soo dooranayo Beelaha Banaadiriga ayaa saaka lagu wadaa inay maanta ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo laamaha ammaanka ay soo saareen awaamiir la xiriira ammaanka inta lagu guda jiro doorashooyinka.
Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ayaa horay u iclaamiyay in doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Beelaha Banaadiriga ay ka dhaceyso Muqdisho.
Doorashada ayaa ka dhaceysa xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, halkaasoo ammaankeedu si aad ah loo adkeeyay.
Xubnaha lagu dooranayo Muqdisho ee Beelaha Banaadiriga ayaa gaaraya 3 xubnood, waxaana dooran doona ergooyin la cayimay.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda inay Muqdisho ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland
Doorashadan ayaa noqoneysa tii u horeysay oo ka bilaabata magaalada Muqdisho, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay doorashada Aqalka Hoose ka socotay xarumaha maamul goboleedyada dalka.