Puntland oo duulaankii ugu xooggana ku qaadaysa degmada Qandala

0
190

Garoowe (INO) Ciidamadii ugu badnaa ayaa la geeyay duuleedka degmada Qandala oo bishii hore ay qabsadeen maleeshiyada taabacsan ururka Daacish.

Waxaa la sheegay dhawaan inuu billaabanayo qorsha ay dowladdu ku dooneyso malleeshiyaad in looga saaro deegaannada,waxaana saraakiil ciidanka u hadlay ay sheegen waqtigan inay diyaar u yihiin duulaanka ku aadan degmada.

Deegaannada ku dhow degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa laga soo xigtay in ciidamo badan oo hubeysan ay u dhaafeen dhinaca Qandala,kuwaaso la sheegay inay doonaya sidii kooxda Daacish raacsan looga saari lahaa degmada muhiimka ah ee ku taalla xeebta.

Ilaa haatan ma jiro wax dagaal ah oo ka dhacay magaalada Qandala. Waxaa magaaladaasi qabsaday maleeshiyada taabacsan Daacish dabayaaqadii bishii October.

Waxaa loo arka waqtigii ugu dheera oo degmada Qandala ay maamullayaan koox ka baxsan dowladda,waxaana degmadan ay u jirta 78-Km u jirta magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsadiga ee gobolka.