Daawo:Shabaab oo soo bandhigay gaari dagaal oo dowladda ay leedahay iyo laba Askari

0
204

Kuunyabarow(INO)- Ururka Al Shabaab ayaa deegaanka Kuunya-barow ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxa ay ku soo bandhigeen Gaari ay leeyihiin ciidanka Xooga dalka Somaliya iyo laba askari oo watay gaarigaasi.

Shabaab ayaa fagaare ku yaala deegaankaasi isugu yeeray boqolaal dadweyne ah, kuwaasi oo daawanaayay gaariga laga soo bandhigay iyo labada Askari oo ka tirsanaa ciidanka Xooga dalka Somaliya, balse ku biiray Ururka Al Shabaab.

Gaariga ciidanka ee Shabaab ay soo bandhigeen oo taarikadiisa ay tahay Xoogga Dalka 5596, ayaa waxaa saarnaa Qori noociisa uu yahay Dashiike, waxaana sidoo kale wehliyay Qoryaha RBG, PKM iyo AK-47 iyo rasaas.

Labada Askari oo lagu soo bandhigay Fagaaraha ayaa waxa ay sheegeen gaarigaan inay kala soo goosteen ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose.

Askartaan ayaa sheegtay sababta ciidanka Dowladda ay uga goosteen inay tahay duruufo kala duwan oo ciidanka ku dhex qabsaday iyo in muddo ah inaysan helin Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen.

Ciidanka Xooga dalka Somaliya ayaa Duruufo kala duwan ku shaqeeya, iyagoo aanan helin Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen, taasi oo keenaysa in Askarta si qaldan ay u fekeraan.

Halkan Ka Daawo Sawiro

1-12-13-14-15-16-19-1