Baydhabo ( INO)-Xildhibaan Adan Maxamed Cali oo ka mid ah Xildhibaanda Barlamaanka Soomaaliya Kana Mid ahaa Musharaxiinta Aqalka Hoose ee ka tartamaysay Magaalada Baydhabo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ay badaleen Ergooyinkii saxda ahaa ee uu Malaaqa Geelidle u gudbiyey Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Aadan ayaa Ku eedeeyey Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, Maxamed C/laahi Mursal in Kursiga Beesha Geelidle si Musuqmaasuq ah uu u Siiyey Xaaskiisa waa sida hadalka u dhigey ee, islamarkaana Goobta Doorashada ay ka dhaceysay Jirdil Xoogan oo Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed ay u geysteen Malaaq Ibraahim Maxamed Cali (Ibrahim Leysaamow) oo Halkaasi Ka sheegay in uusan Soo qorin Ergooyinkii ku sugnaa Madasha Doorashada.
Isagoo Hadalkiisa Sii Wata ayaa Xildhibaan Adan Maxamed Cali waxuu Tilmaamay in Gudoomiye Mursal Goobta Doorashada ay ka dhaceysay uu Keenay Ergooyin kale oo isaga uu soo Qortay taasi oo Sababtay in Buuq Xoogan halkaasi uu ka dhasho islamarkaana hoolka laga saaro Ergooyinkii Saxda ahaa.
Xildhibaan Adan Maxamed Cali ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ugu Baaqay in si Gaar ah loo Eego Musuqmaasuqani Ka Dhacay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Ka Socota Baydhabo isagoona Sidoo Kale ka Digay in Doorashooyinka Aqalka Hoose laga dhaxlo Dagaallo Sokeeye.
Ugu dambeyntii, Tan iyo Markii Magaalooyinka Caasimadaha Maamulada dalka ka jira ay Si habsami leh ugu Bilaabmeen Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Hoose ayaa Waxaa soo baxayey Cabashooyin Xoogan oo ku aadan in lagacan bidixeynayo Doorashooyinkaasi.