Dhageyso:Beesha Eyle Oo Cadaalad Daro iyo Musuq Maasuq Ku Eedeysey Gudiga Doorashada KGS

0
216

Muqdisho ( INO)-Qaar ka mid ah waxgaradka iyo Salaadiinta Beesha Eyle oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee dega deegaanada Koonfur Galbeed ayaa cabasho ka qaba gacan bidixeyn ay sheegeen in lagu hayo Kursiga ay ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Nabadoon Aadan Yaroow oo ka mid ah waxgaradka ugu caansan Beesha Ayle ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatada xaqooda lagu duudsinayo uu Masuul ka yahay ugaas Warsame Xuseen oo Odayaasha 135-ta Oday ee Beelaha Soomaaliyeed ugu jira beeshooda kaas oo sida uu sheegay Ergo iska soo qortay isagoo aan wax la tashi ah kala sameynin waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Beeshaasi.

Sidoo kale Nabadoon Aadan Yarow ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer maamul Goboleed ee Koofur Galbeed Maxamed C/laahi Mursal in uusan dhex dhexaad ka ahayn arrintooda islamarkaana uu la duuban yahay hal garab oo boobaya kuriga Beesha Ayle.

Dhinaca kale Nabadoon Aadan Yarow ayaa cadeeyay in Albaabada laga xirtay Odayaasha dhaqanka beesha Ayle kuwaas oo ay ka mid yihiin duubabkii soo jireenka ahaa ee beeshaas taasina aysan ahayn wax loo dul qaadan karo.

Ugu dambeyn Ugaas Yacquub Cabdiraxmaan Cabdi oo ah Ugaaska Eyle ayaa tilmaamay  isaguna in Cabashadooda ay gaarsiiyeen Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan islamarkaana uusan waxba ka qaban isagoo cadeeyay in Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mechael Keating oo shalay gaaray Magaalada Baydhabo wax aan sax ahayn loo sheegay lagana daboolay Musuqmaasuqa lagu sameeyay Ergooda.

Ugaas Warsame Xuseen oo u Matalaya Beesha Ayle 135 Oday ee Beelaha Soomaaaliyeed ayaa lagu eedeeyay in uu u boobayo Kursiga Beeshaasi Xildhibaan Cali Aadan Xuseen , waxaana sida salaadiinta Beesha ayle cadeeyeen arrintaas ku gacansiinaya Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.