Baydhabo(INO)- Waxaa Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka soconaya doorashada Wajaga 2aad Ee Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Macalin Cali Aden iyo Axmed Xaaji Maxamed (Taaw) ay Ku guuleysteen Labada Kursi Ee Aqalka Hoose Ee Beesha Jiroon.
Mudane Macalin Cali Aaden , ayaa Heley 46 cod isagoona ka adkaadey Maxamed Caanoy isxaaq.
sidoo kale Kursiga Laabaad waxa ku guuleystey Axmed Xaaji Maxamed (Taaw), oo heley 35 cod, isla markaana waxa uu ka adkaadey C/qaadir Xussen Xasan iyo Ugaas Isaaq Cali.
Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.