Baydhabo(INO)- Iyadoo lagu ballansanaa In Maanta Magaalada Baydhabo ay ka billaabato doorashada aqalka hoose ee wajiga labaad ayaa dib u dhac uu ku yimid.
Wararka IdaleNews.com ay ka heleyso ayaa sheegaya in culeysyo jira awgood uu keenay dib u dhaca.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka dadban ee Koonfur Galbeed Sayid Ali Baafo ayaa Warbaahinta u sheegay in wajiga labaad maanta uu dib u dhac ku yimid.
Wuxuu sheegay in wajiga labaad inta ugu badan cod bixiyeyaasha ay ka imaan doonaan gobolka Shabeellaha Hoose.
Sayid Cali ayaa tilmaamay in ergada ka imaanaysa Shabeellaha Hoose ay diyaarinayaan meeshii la dejin lahaa islamarkaana kuraas ka badan 20 kursi la soo gebagebeyn doono muddo dhow.
Dhanka kale, wuxuu ka jawaabay cabasho ka imaanaysay qaar kamid ah mushariixiinta iyo ergada qaarkood islamarkaana cabashooyinka qaar ay xaliyeen.
Ugu dambeyntii, Waxaa kaloo jira cabashooyin ay qabaan beelaha qaar oo iyaga siyaasiyiintooda ay ku loollamayaan kuraasta ka dhaxeysa.