Dhageyo Faah Faahin: Gudoomiye Foodcade Oo Ka Hadley La Wareegitaanka Degmada Tiyeeglow

0
205

Tiyeegloow (INO)—Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay Degmada Tayeegloow ee Gobolka Bakool.

La wareegida Degmada Tiyeegloow ayaa ka dambeysay kadib markii Xarakada Al Shabaab ay faarujiyeen Degmadaasi, maadaama Ciidamada iskaashanaya ay duulaan ku qaadeen halkaasi waabarigii hore ee Saaka.

Degmada Tiyeegloow ayaa muddo 3 todobaad waxaa gacanta ku hayay Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab kadib markii halkaasi ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Guddoomiyaha Degmada Tiyeegloow, Maxamed Cabdalla Food-Cadde ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in Degmada ay haatan maamulayaan Ciidamada huwanta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Guddoomiyaha Degmada Tiyeegloow waxuu tilmaamay in Degmada ay maqan yihiin adeega aas aasiga u ah Bulshada ku dhaqan halkaasi.

Halkan ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha