Muqdisho(INO)— Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegay iney isaga baxayaan gobolada kale ee dalka Soomaaliya.
Wargeyska East African Monitor oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan taliska AMISOM ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay isaga baxayaan dalka Soomaaliya.
Joseph Kibet Murrey afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya ay culees weyn ku tahay howgalka AMISOM, ayna dib u dhigeyso qorshooyin horey loo diyaariyay.
Bixitaankii ciidamada Ethiopia ee aan qeybta ka aheyn howlgalka AMISOM ayuu sheegay iney dareemeen culeeskooda, waxayna qasabtay goobaha ay baneeyeen in ciidamada Alshabaab la wareegaan.
Afhayeenka u hadlay ciidamada AMISOM ayaa sheegay in arintaan ay qasbi karto dib u dhaca qorshihii horey loo dajiyay ee la dagaalanka Alshabaab.
Ciidamada ayaa bishii lasoo dhaafay ciidamadeeda waxay ka baxeen deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolka Hiiraan, waxaana kadib la wareegay Alshabaab.