Buurhakaba(INO)- Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhawacantay qarax galinkii danbe ee Shaley ka dhacay degmada Buurhakaba oo ka tirsan Gobolka Bay.
Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hawlgalo ka waday goobta uu qaraxu ka dhacay.
Afar ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa waxay ahaayeen Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya halka qofka kale ay ahayd haweenay shaahi ku iibinso goobta sida Warbaahinta Idale News Onlinea u xaqiijiyay taliye ku xigeenka Booliska Degmada Buurhakaba.
Ugu dambeyntii, Mudooyinkan Dambe waxaa Degmada Buurhakaba ka dhacayay qaraxyo iyadoo kii dhowaantan uu u geeriyooday gudoomiyihii Degmada Buurhakaba dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.