Muqdisho(INO)-Guddiga xukuma Hay’adda Shaqada Caalamiga ah ee loo yaqaano ILO ayaa go’aan ka gaaray cabasho ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya oo uu soo gudbiyay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Dacwadaan oo socotay muddo sanad ah ayaa waxaa dowladda lagu eedeeyay in ay geysatay caburin, caga jugleyn iyo faragelin aan sharci aheyn oo ka dhan ah Ururka NUSOJ. Gaar ahaan Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ku xadgudbeen xuquuqda ay suxufiyiinta Soomaaliyeed u leeyihiin in ay si xor ah oo madax banaan ay u maamushaan ururkooda oo ayna isu yimaadiin ayadoon dowladdu aysan faragelin ama aysan cid ay wadato aysan dul saarin.
ILO guddiga xukuma oo ka kooban 56 xubnood ayaa cadeeyay in hogaanka saxda ee sharciga ah ee NUSOJ iyo Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU uu yahay Cumar Faaruuq Cusmaan , ayna ka dalbatay dowladda Soomaaliya in ay joojiso faragelinta ay ku hayso ururadan madaxa-banaan ayna aqoonsato hogaanka uu hormuudka ka yahay Cumar Faaruuq Cusmaan.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa laga dalbaday in ay jawaab waafi ah ka bixiso xarigii loo geystay Cabdi Aadan Guuleed oo ah Guddoomiye ku xigeenka NUSOJ, isla markaana ah Tifatiraha Guud ee Wargeyska Xog Ogaal. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la faray in ay jawaab lagu kalsoonaan karo usoo gudbiso ILO oo ku aadan dilkii loogeystay wariye Cabdicasiis Maxamed Cali “Xaaji” oo xubin ka ah NUSOJ isla markaana ka mid ahaa wariyaasha ka shaqeeya Idaacada Shabelle.
Doodaha dowladda iyo Ururka NUSOJ oo la dhageystay bishii lasoo dhaafay ee June ee isla sanadkan ayaa waxaa ka muuqato in dowladda Soomaaliya looga guuleystay dacwadii in kastoo dowladdu isku dayday in ay is difaacdo.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale looga yeeray magaalada Geneva in ay hortimaado guddiga ugu sareeyo ILO-da si ay ugu jawaabto gabood falada ka dhanka ah ururka NUSOJ, gaar ahaan ku xadgudbiga xuquuqda aadanaha.
“Waxaa aan aad ugu faraxsanahay go’aanka taariikhiga ah ee kasoo baxay hay’adda ILO. Waa mid ku qotoma sharciga caalamiga ah. Waxaan rajeyneynaa in dowladda Soomaaliya ay u hogaansanto shuruucda caalamiga ah, ayna iska dhaafto nin jecleysiga/necbeysiga aan sharciga ku dhisneyn iyo ku sii xadgudbida shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.