Dhageyso: Koonfur Galbeed Oo Been Abuur Ku Tilmaantay Warar Dhawaan Soo Baxay

0
195

Baydhabo(INO)- Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayeen cida sida rasmiga ah gacanta ugu heeysa deegaanka Goof-Gaduud  Shabellow ee Gobolka Bay halkaas oo dhowr mar ay siyaabo kala duwan isugu bed bedelaan Ciidanka DFS  iyo kuwa Al-shabaab,balse Dowlada Koonfur Galbeed ayaa arintaasi ka hadashey.

Wasiirka Hub ka dhigista, Dhaqan celinta Iiyo Tababarada Maleeshiyada Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Somaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa sheegay in si buuxda ay ciidamadoooda Gacanta ugu hayaan isagoo beeniyay warar Warbaahinta qaarkood ay baahinayeen ee ahaa in haalkasi ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan al-shabaab.

Isagoo sii hadlayay Wasiirka ayaa waxa uu intaas ku daray laga doonayo shacabka Koonfur Galbeed  Soomaaliya in ay iska kaashadan sidii guud ahaan degmooyinka Koonfur Galbeed amaankooda loo xaqiijin lahaa.

Ugu Dambeyntii, Deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Bay ayaa waxaa dhawaan uu dagaal ku dhex maray Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Al-shabaab.

Halkan Ka Dhageyso