Baydhabo(INO)- Waxaa Maalintii seddexaad ka Socoda Magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Maxamed Jaamc Mursal uu Ku guuleystey Kursiga Beesha Ogaadeen/ Cawlyahan/ Afgaab oo yaala Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale, Doorashada ayaa weli socota, iyadoo at musharraxiin badan ku tartamayaan 69-ka kursi ee la doonayo inay kasoo baxaan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo afar ka mid ah la doonayo inay haween noqdaan, sida at sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.