Faah Faahin Aqriso: Magacyada Xubnaha Aqalka Hoose ee KGS ee Maanta la doortay

0
203

Baydhabo(INO) — Iyadoo maalinkii labaad ay gashay doorahada lagu soo xulayo xildhibaannada Aqalka Hoose ee Koonfur-galbeed metelaya, waxaa maanta siddeed xidhibaan, iyadoo shalay la doortay Tiro ka mid ah xildhibaannada Aqalka Hoose ee matalaya Koonfur-galbeed.

Haddaba, Magacyada Xubnaha Maanta ku guuleystay doorashada ayaa kala ahaa;

  1. C/casiis Axmed oo helay 49-cod, isagoo kursiga uga guuleystay Musharraxii la tartamay oo ahaa; Axmed Cabdi Nuur.
  2. Raabaca Sheekh Nuurow oo heshay 49-cod, iyadoo ka guuleysatay Eedabow Macallin Isaaq oo la tartamaysay oo aan helin wax cod ah,
  3. Cali Cabdi Cusmaan oo helay 48-cod, Isagoo kursiga uga guuleystay Cusmaan Mukhtar Maxamed oo helay laba cod iyo Cali Ibraahim Cali oo aan helin wax cod ah.
  4. Samra Ibraahim Maxamed oo heshay 29-cod, halka musharraxadii kursiga kula tartantay oo ahayd Maryan Nuur Aadan aysan helin wax cod ah.
  5. Yacquub Cali Maxamed oo Helay 29-cod, Wuxuuna ka Guuleystay, Aamina Maxamed Mursal oo 21-cod iyo Maxamed Nuur Cali oo aan wax cod helin.
  6. Maxamed Mursal Maxamud oo helay 47-cod, isagoo kursigan uga Guuleystay Fowsiya Maxamed Mursal oo heshay hal cod, halka laba cod ay hallaabeen.
  7. Sandheere Maxamed Iftin oo helay 26-cod, Wuxuu ka guuleystay Saddex musharrax oo kursiga kula tartamayay kuwaasoo kala ah; Sammaan Maxamed oo helay afar cod, Axmed Siidoow Maxamuud oo helay Hal Cod iyo Maxamed C/raxmaan Cabdi oo Helay 20-cod.
  8. Maxamed Axmed Garweyne oo helay 24-cod, Wuxuuna uga guuleystay kursiga Sacdiyo Cali Shariif oo heshay 20-cod, halka Maxamed Sheekh Xuseen iyo Maxamed Macallin oo musharraxiin ahaa ay ka tanaasuleen Tartanka.

Ugu dambeyntii, Xildhibaannadii ku Guuleystay Doorashada Aqalka Hoose ee Shalay ka dhacday Baydhabo, Waxay kala ahaayeen; Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Fowziyo Maxamed Sheekh, Ibraahim Isaaq Yaroow, Daahir Cabdi, C/wahaab Ugaas, Cabdulqaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Shariif Maxamed Cabdalla.