Baydhab(INO)- Iyadoo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ka socoto Doorashada Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee sanadkan 2016 ayaa Aqoonyahan Mudane Cabdullahi Xaamud Maxamed oo ka mid ah dadka doonaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee bedelaya kan hadda shaqeeya waxaa uu Kulan la qaatey , Nabadoono, Malaaqyada , Culimaa’udiinka, Haweenka iyo Dhalinyaro oo ka soo jeeda Beeshiisa, Isagoona shaaciyey Musharaxnimada BFS Ee 2016.
Mudane C/laahi Xaamud Maxamed waa aqoonyahan leh Khibrad Shaqo iyo maamul mas’uuliyad, isagoona jagooyin sar sare ka soo qabtey Hay’ado Ka hawlgal dalka UK. Sidoo kale Aqoonyahanku waxa uu aaminsan yahay in horumarinta dhalinyarada Gaar ahaan Gabdhaha kor u qaadida aqoontooda ama farsamadoodu ay tahay mid u horseedi kartaa wadanka Horumar balaaran.
“Haddii aan Ku Guuleysto BFS waxaan laban laabi doonaa waxqabadkaygii hore, waxaana aan ballan qaadaya inaan wax badan ka qaban doono baahiyiinna kala duwan ee aasaaska u ah nolosha dadka iyo deegaanka sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqo abuur, Horumarinta aqoonta dhalanyarada Wadooyinka iyo Adeegyada kale ee laga maarmaanka, Tayeynta Ciidanka Qaranka iyo Xaquuqada Haweenka “. Ayuu yiri Musharax C/laahi Xaamud Maxamed.
“Waxaan wax u qaban doonaa Dalka,Dadka iyo Diinta, Dalka waxaan wax ugu qaban doonaa in la helo Nidaam ka duwan kan hadda jira oo aad uga fog qabyaalad oo leh midnimo Soomaliyeed, dadkana waxaan wax ugu qaban doonaa in Nabad loo horsaeedo lagana fogaado kala qoqobka, Diintana waxaan wax ugu qaban doonaa in aan taageero Caqiidada Toosan lagana gudbo Khilaafka iyo Kooxeysiga Diimeed ee Dalka ka jira” ayuu mar kale yiri Mudane C/laahi Xaamud Maxamed.
“Waxaan diyaar u ahay isbedel odoyaasha, dhalinyarada,Haweenka dhamaantood waxaan ka codsanayaa in ay i doortaan si aan uga dhaqaaqno maanta meesha aan joogno” ayuu hadalkii raacey Mudane C/laahi Xaamud.
Sido kale Waxaa uu balanqaaday in uu ku shaqayndoono rabitaanka bulshada kana warhayndoono baahida Bulshada uu matalayo.
Nabadoono, Waxgarada, Dhalanyaro iyo haweenka ayaa waxay kalsooni u muujiyeen Musharax aqoonyahan C/laahi Xaamud Maxamed,Waxayna intaa ku dareen inay taageersan yihiin, loona baahanyahay in uu la yimaado isbadal sidii dhallinta iyo Haween ee wax baratay ay u helaan fursado shaqo iyo weliba fursado ay kaga qeyb qaataan Hay’adaha DFS iyo Kuwo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeytii, Musharax C /laahi Xaamud Maxamed ayaa waxaa uu noqonayaa Musharaxii ugu Dambeeyey ee ka soo jeedo Beesha Boqol Hore/Disow oo Si rasmi ah ugu dhawaaqo in uu xilkaas doonaayo bulshada uu cod uga baahan yahay, isagoona tartaran adag la galin doono Musharaxiin kale.