Washington (INO) — Doorashada Taariikhiga ah ee Madaxweynenimo ee Wadanka Mareykanka, ayaa ka billaabatay Gobollo badan oo ku yaalla Waddankaas, iyadoo dadweynuhu ay soo dooranayaan Madaxweynihii bedeli lahaa madaxweynaha xilligan ee Barack H. Obama.
Jagada Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka ayaa waxaa ku tartamaya Hillary Clinton iyo Donald Trump. Waxayna labadan Musharrax Xilligii hore ee maanta qabteen ololahoodii ugu dambeeyay ee Doorashada.
Musharraxad Hillary Clinton ayaa doorashada maanta dhacaysa ugu yeertay “Tijaabada Waqtigeena.” Halka Musharrax Donald Trump uu dhankiisa uu yeeray; “Maanta waa Maalinta Xorriyadeenna.”
Magaaladii ugu horreysay ee Natiijada Cod-bixinta Doorashada laga soo saaray oo ah Dixville Notch oo ka tirsan Gobolka New Hampshire ayaa waxaa ku guuleystay Hillary Clinton oo heshay Afar cod, Halka Donald Trump uu ka helay laba cod oo keliya. waxaaana magaaladaan ku nool Siddeed qof.
Sidoo kale, Trump ayaa Taageerayaashiisa u sheegay inuu soo bandhigayo fursad taariikhi ah oo uu ku beddelayo Siyaasadda Dalka Maraykanka, isla markaana uu kusoo celinayo Daacadnimada Dowladda Waddankaas.
Hillary Clinton oo wax yar ku horreysa ra’yi ururinta Qayb ka mid ah cod-bixiyayaasha, ayaa iyaduna sheegtay inuu dalka Maraykanka hadda u baahan yahay isku soo dhaweyn, laakiinse aanu u baahnayn darbiyo kala qeybinaya.
Ugu dambeyn, Natiijada kama-dambeysta ah ee Doorashada Gobol kasta laguma dhawaaqi doono illaa Dhammaan Goobaha Cod-bixinta ay soo xirmaan sideedda habeennimo ee caawa saacadda waddanka Mareykanka, Waxaana Gobollada Bari ay noqonayaan kuwa u horreeya ee Natiijadooda la shaaciyo.