Daawo: Madaxweynaha KGS oo Maanta Ku Dhawaaqay In Uu yahay Musharax Madaxweyne

0
184

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta  Munsaabad ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Ee 2016.

Munsaabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Haween iyo xubno kale, waxaana uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne.

Qaar ka mid ah Dadweynihii ka soo qeyb galay Munaasabadan oo warbaahinta IdaleNews.com la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Shariif Xasan uu u qalmo qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya 2016 ilaa 2020-ka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhankiisa hadal kooban ka jeediyay Munaasabada ayaa waxa uu sheegay in wax badan uu dalka u qaban doono hadii uu ku guuleysto qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Siyaasiyiinta  Beesha Digil Iyo Mirifle Ee uu ka soo jeedo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa inta badan waxa ay isu soo sharaxi jirtey xilka gudoomiyaha baarlamaanka dalka Soomaaliya, Ku dhowaaqista musharaxnimada Shariif Xasan ayaa ku soo beegmaysa 3 maalin kadib markii uu ka soo laabtay wadanka Isutagga Imaaradka Carabta halkaa oo ay madaxda maamul goboleedyada dalka ay kulamo kula soo yeesheen madaxda wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Halkan Ka Daawo Sawiro

01020304050607080910