Shariif Xasan Oo Barito Ku Dhawaaqayo Musharax Madaxweyninimada Somalia Ee 2016

0
168

Baydhabo(INO)- Masharax Shariif Sheekh Aaden, Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaanahan waday wadatashiyo ka dib maalint barito la filaya inuu ku dhawaaqo musharax madaxweyninimada Somalia ee 2016.

iyadoona ay jiraan rag qarsoon oo looga Shakisan yahay in ay isu soo sharxaan gudoomiyaha BFS isla markaana  haatan la sheegey inay ka gudbeen shuruudihii laga rabey Ee ka mid Noqoshada u tartamida Mudanayaasha Aqalka Hoose.

Madaxweyne Sharif Xasan Sheekh Aaden Iyo xulufadiis siyaasada ayaa Iminka talamaya, wuxuuna shaley xildhibaanada Baarlamanka Hortooda ka nuxnuxsadey inuu haayn doono jagada madaxweyninimada Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ilaa xaalka uu kala baxo.

Ugu Dambeyntii, Madaxweyne Shariif Xasan ayaa waxa uu noqodey Mushaxii 2aad Ee abid Ka Soojeeda Beesha Digil iyo Mirifle isu soo sharxo Madaxweyninimada Soomaliya, isagoona Sanadkii 2012 looga adkaadey siyaasadii Xiligaas Taagneyda ka dib markii  Xiligaas uu tamaniyey Jagada Madaxweyninimada Somalia.