Daawo: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Xudur Ku Rajo Giliyey Boqolaal Shacab ah Oo Ka Soo Cararey Tiyeeglow

0
212

Xudur(INO)— Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar lama filaan ah ku tagay degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ku qul qulayeen dad fara badan oo ka soo qaxay deegaanadii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya.

Shariif Xasan oo meel fagaare ah kula hadlay dadka reer Xudur iyo  Boqolaal Dhibanayaasha Ka Soo Cararey Tiyeeglow   ayaa sheegay in Al-Shabaab si deg deg looga saarayo degmada Tiyeeglow iyo deegaanada kale.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay iska kaashanayaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada Bay iyo Bakool.

Shariif Xasan ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay dhibaatooyin ku hayaan dadka ku nool Koofur Galbeed, isla markaana dad fara badan oo aan waxba galabsan ay ku dileen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo wajahay culeysyo amni, kaddib markii Ciidamada Itoobiya ay faarujiyeen deegaano dhowr ah, haatana laga cabsi qabo inay meelo kale ka baxaan.

Ugu dambeyntii, Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore la wareegay degmada Tiyeeglow, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Itoobiya.

00100302

Fillo Goordhow Sawiro Dheeraad ah iyo Codadka