Xildhibaan Mahad ”Madaxweyne Cosoble waxa uu ku magacaabayaa xubnaha Aqalka Sare digreeto”

0
205

Muqdisho(INO)—Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle inuu doonayo in wareegto uu ku magacaabo xubnaha Aqalka Sare oo aan loo tartamin.

Mahad Xasan ayaa u sheegay weriye ka tirsan Jowhar.com in liiska musharixiinta Aqalka Sare ee uu xalay soo saaray Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble uu maanta wax ka bedelay kana reebay musharixiin uu ka mid yahay General Axmed Dayib Axmed(Dhagacaleen)

“Madaxweynaha Hirshabeelle waxaan ka filaynay inuu si cadaalad ah dadkiisa wax ugu qabto hase yeeshee waxa uu doonayaa dad gaar ah oo uu wato inay ku soo baxaan Aqalka Sare.”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Xasan oo ka mid ahaa musharixiintii u tartamaysay guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay musharixiinta Aqalka Sare ee Hirshabeelle inay la mid tahay mid uu Madaxweyne Cosoble uu ku magacaabayo Agaasimayaal iyo shaqaalaha maamulka Hirshabeelle.

Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in haatan ay xildhibaano gaaraya 78 ay saxiixeen inay ka soo horjeedaan qaabka uu wax u wado Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa jira xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay magacaabista musharixiinta Aqalka Sare, waxaa lagu wadaa goordhow in ay shir jaraa’id qabtaan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle kaasoo ay ku cadeynayaan mowqifkooda ku aadan musharixiinta Aqalka Sare.