Istanbul(INO)—Dowlada Turkiga ayaa xabsiga u taxaabtay Sagaal weriye oo ka tirsan wargeyska taageera mucaaradka ee Cumhuriyet kadib markii maxkamad ku taal magaalada Istanbul ee Turkiga ay amartay xarigooda.
Saxafiyiinta la xiray ayaa waxaa ka mid ah tifaftirahii wargeyska, farshaxan caan ah iyo qoraa dowladda dhaliila, waxana xariga saxafiyiinta uu yahay talaabo ay ka qaadayso dowlada Turkiga dadka dhaliila madaxweyne Racep Tayyip Erdogan. Jimcihii ayaa la xiray sagaal siyaasi oo ay ku jiraan hogaamiyeyaasha xisbiga Kurdiyiintu leeyihiin ee HDP.
Waxa kaloo la xiray sagaal sarkaal oo kale oo ka tirsan isla xisbiga HDP oo ay ku jiraan godoomiyihii xisbiga ee gobolka ku yaal koonfurta bari ee Adana oo iyagana maanta oo Sabti ah gudaha la dhigay. Wargeyska Cumhuriyet wuxu ka mid yahay dhawr wargeys oo ka mid ah warbaahinta Turkiga ee weli dhaliila Erdogan.
Weriyeyaasha wargeyskan ayaa lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin wadaadka Maraykanka deggan ee Fatxullah Gulen oo lagu eedeeyay inuu maleegay isku daygii afgambi ee dalka ka dhacay bishii Julay.