Daawo: Madaxweynaha KGS Oo Dib Ugu Soo Laabtey Baydhabo

0
184

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta oo ay  dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, kadib markii Uu Safaro ku tagey dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wefdigiisa ayaa si habsami leh loogu soo dhaweeyey Garoonka Shaati gaduud ee Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxaana soo dhaweynta Madaxweynaha ka qeyb-qaatay, ku simaha Madaxweynaha KGS ah Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi,  maamulka Gobalka Bay, maamulka degmada,  Odayaasha dhaqanka , Wasiiro, iyo weliba Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadden kula hadlay Mas’uuliyiinta ayaa waxaa uu uga mahadceliyey soo dhaweynta qiimaha leh ee ay u sameeyen, waxaana uu bogaadiyey horumar iyo nabad galiyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawiro

sh1shar2